+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّهُ قَالَ:
قِيلَ: يَا رَسُولَ اللهِ، مَنْ أَسْعَدُ النَّاسِ بِشَفَاعَتِكَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ؟ قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَقَدْ ظَنَنْتُ يَا أَبَا هُرَيْرَةَ أَنْ لَا يَسْأَلَنِي عَنْ هَذَا الْحَدِيثِ أَحَدٌ أَوَّلُ مِنْكَ؛ لِمَا رَأَيْتُ مِنْ حِرْصِكَ عَلَى الْحَدِيثِ، أَسْعَدُ النَّاسِ بِشَفَاعَتِي يَوْمَ الْقِيَامَةِ، مَنْ قَالَ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ خَالِصًا مِنْ قَلْبِهِ أَوْ نَفْسِهِ»».

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 99]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga scw waxaa lagu yiri: rasuulkii Ilaahayow dadka yaa ugu mudan shafaacadaada maalinta qiyaame? wuxuu yiri Rasuulku:(dhab ahaan waxaan filayey Abaa Hureyrow in aanu i waydiinayn xadiiskaan qof adiga kaa horeeya markaan arkay sidaad ugu dadaalaysid xadiiska, qofka dadka ugu mudan shafaacadayda maalinta qiyaame, waa qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa ilaaha ilaa Allaah.)

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 99]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay qofka ugu mudan shafaacadiisa maalinta qiyaame waa qofka qalbigiisa si ikhlaas ah uga yiraahda: (Laa Ilaaha Ilaa Allah) majiro mid xaqa lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, waana inuu yahay mid ka nabad galay shirkiga iyo is tus tuska.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa sugan in Rasuulku scw uu shafaaco leeyahay aakhiro, shafaacadiisana ma helayso cidaan muwaxidiinta ahayn.
  2. Nabiga scw shafaacadiisu waa isagoo Ilaahay u barya qofka naartu u waajibtay inuusan naarta galin, kii naarta galayna uu shafacaada kaga soo boxo naarta.
  3. Fadliga ay leedahay kalimada tawxiidku iyadoo Ilaahay loo gaar yeelayo, iyo waynida raadkeeda.
  4. Kalimada towxiidka waxaa lagu xaqiijin karaa in macnaheeda la barto laguna camal falo waxay keenayso.
  5. Fadliga Abii Hurayre Allaha ha ka raali noqdee, iyo dadaalkiisa uu cilmiga ku bixiyey.