+ -

عن جَرِيْر بنِ عبدِ الله رضي الله عنه قال:
كُنَّا عِنْدَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَنَظَرَ إِلَى الْقَمَرِ لَيْلَةً -يَعْنِي الْبَدْرَ- فَقَالَ: «إِنَّكُمْ سَتَرَوْنَ رَبَّكُمْ كَمَا تَرَوْنَ هَذَا الْقَمَرَ، لَا تُضَامُونَ فِي رُؤْيَتِهِ، فَإِنِ اسْتَطَعْتُمْ أَنْ لَا تُغْلَبُوا عَلَى صَلَاةٍ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ غُرُوبِهَا فَافْعَلُوا» ثُمَّ قَرَأَ: «{وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ الْغُرُوبِ}»

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 554]
المزيــد ...

Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee -wuxuu yiri:
Anagoo Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- la joogna ayuu fiiriyey dayaxa-habeen uu ahaa 14-, wuxuuna yiri: " waxaad u arki doontaan Rabigiin sidaad dayaxan u arkaysaan, idinkoon isku ciriirinayn aragtida Ilaahay, hadaad awoodaan inaad ilaalisaan salaada inta qoraxda aanay soo bixin iyo inta aanay dhicin sameeya" ka dib Nabigu scw wuxuu akhriyey aayadan Qur'aanka ah: {ku tasbiixso xamdiga Rabigaa intaan qoraxdu soo bixin iyo inta aanay dhicin}.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 554]

Sharraxaad

Asaxaabtu habeen ayey la joogeen Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna eegay dayaxa oo ahaa habeenka 14aad- wuxuuna yiri: Muuminiintu Rabigood waxay ku arkidoonaan indhahooda si dhab ah, isagoon cidna shabihin, dadkuna iskuma ciriiryayaan aragtidiisa, kuna dhicimaayo daal iyo mashaqo midna marka ay Ilaahay arkayaan. Ka dibna Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: hadaad kartaan inaad iska joojisaan asbaabta idin dhaafinaysa salaada fajarka iyo salaada casarka sameeya, oo la imaada labadaas salaadood waqtigooda iyagoo kaamila oo jamaaco aad la tukateen, arintaasi waxay ka mid tahay asbaabta keenta in Ilaahay casa wajala wajigiisa la arko. Ka dib wuxuu akhriyey Suubanuhu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee aayadaan: {Ku tasbiixso xamdiga rabigaa qooraxdu inta aanay soobixin iyo inta aanay dhicin}.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda jeegga Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Dadka iimaanka leh waxaa loogu bishaaraynayaa inay Ilaahay ku arkidoonaan janada.
  2. Qaababka loo gudbiyo dacwada Ilaahay waxaa ka mida: adkaynta, jeclaysiinta iyo in tusaale la soo gaato.