+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«اجْتَنِبُوا السَّبْعَ الْمُوبِقَاتِ»، قَالُوا: يَا رَسُولَ اللهِ وَمَا هُنَّ؟ قَالَ: «الشِّرْكُ بِاللهِ، وَالسِّحْرُ، وَقَتْلُ النَّفْسِ الَّتِي حَرَّمَ اللهُ إِلَّا بِالْحَقِّ، وَأَكْلُ الرِّبَا، وَأَكْلُ مَالِ الْيَتِيمِ، وَالتَّوَلِّي يَوْمَ الزَّحْفِ، وَقَذْفُ الْمُحْصَنَاتِ الْمُؤْمِنَاتِ الْغَافِلَاتِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 2766]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabigu scw uu yiri:
(ka fogaada toddobada lagu halaagsamo ), waxay yiraahdeen: Rasuulkii Ilaahayow maxay yihiin? wuxuu yiri: (waa Ilaahay oo loo shariig yeelo, sixirka, dilka nafta Ilaahay xarimay in xaq lagu dilo mooyee, cunida ribada, cunida maalka agoonta, cararida maalinta jihaadka iyo in la qadfo gabdhaha muxsinaatka ah ee muuminiinta ah ee aan warba hayn).

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 2766]

Sharraxaad

Rasuulka Ilaahay wuxuu Ummaddiisa faray inay ka fogaadaan todoba dambi oo ah macaasi lagu halaagsamo, markii la waydiiyey ee la yiri waa kuwee? wuxuu ku sheegay inay yihiin:
Tan koobaad: waa Ilaahay oo loo shariig yeelo, iyadoo la samaysto wax Ilaahay loo ekaysiiyo oo lalasimo nooc walba oo uu yahay, isagaa nusqaan oo dhan ka hufane, iyo cibaado cibaadooyinka ka mida oo Ilaahay qayrkii loo leexiyo, shirkiga ayuu ku bilaabay, waayo isagaa danbiyada u wayn.
Tan labaad: waa sixirka- waana guntimo wax lagu tufay iyo dawooyin iyo qiiq-, kaasoo jirka ku saamaynaaya dhimasho ama bugto ama kala gayn labada is qabta, waana shaqo shaydaan, in badan oo sixirka ka mida lama samayn karo ilaa Ilaahay loo shariig yeelo iyo in loogu dhawaado arwaaxda xun in loo sameeyo waxay jeceshahay maahee.
Tan saddexaad: waa dilka nafta Ilaahay reebay dilkeeda in lagu dilo wax sharci ah ee xaakimku fuliyo maahee.
Tan afraad: waa Ribada in loo isticmaalo cunid ama qaab kale oo nafac leh.
Tan shanaad: waa ku xad gudubka maalka Agoonta uu aabohood dhintay iyagoon qaan gaarin.
Tan lixaad: waa in laga cararo dagaalka gaalada la gula jiro.
Tan todobaad: waa in lagu tuhmo sino gabdhaha xorta ah ee dhawrsan, waxaa la mida in raga lagu tuhmo.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Dambiyada waa wayni kuma koobna todoba, waxaase loo gaar yeelay todobadan waynidooda iyo khatarta ay leeyihiin.
  2. Way banaan tahay in nafta xaq lagu dilo sida qisaasta, ridada, sinada qofka guur soo maray, fulinta xukunka dilka waxaa fulinaya xaakimka.