+ -

عَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ السُّلَمي رحمه الله قَالَ:
حَدَّثَنَا مَنْ كَانَ يُقْرِئُنَا مِنْ أَصْحَابِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُمْ كَانُوا يَقْتَرِئُونَ مِنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَشْرَ آيَاتٍ، فَلَا يَأْخُذُونَ فِي الْعَشْرِ الْأُخْرَى حَتَّى يَعْلَمُوا مَا فِي هَذِهِ مِنَ الْعِلْمِ وَالْعَمَلِ، قَالُوا: فَعَلِمْنَا الْعِلْمَ وَالْعَمَلَ.

[حسن] - [رواه أحمد] - [مسند أحمد: 23482]
المزيــد ...

Abii Cabdiraxmaan Asulami Allaha u naxariiste waxaa laga wariyey inuu yiri:
Wuxuu noo sheegay mid noo akhrin jiray oo asxaabta Nabiga scw, ka mid ahaa, asxaabtu waxay Rasuulka scw ka akhrisan jireen toban aayadood, mana ay qaadan jirin tabanka kale ilaa ay bartaan waxa ku jira ee cilmi iyo camalba ah, waxay yiraahdeen: waan baranay cilmigii iyo camalkiiba.

[Xadiis Xasan ah] - [Waxa wariyay Axmed] - [Musnadka Axmed - 23482]

Sharraxaad

Asxaabtu Allaha ka raali ahaadee waxay Rasuulka scw ka qaadan jireen toban aayadood oo Quraanka ah, wax kale ma ay qaadan jirin ilaa ay bartaan waxa ku jira tobankaa ee cilmi ah kuna camal falaan, markaasay cilmigii iyo camalkiiba isla heleen.`

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Malayaalim Telgoo Sawaaxili Boorma Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadliga ay leeyihiin asxaabtu Allaha ka raali noqdee iyo dadaalka ay ku bixiyeen barashada Qur'aanka.
  2. Qur'aanka barashadiisu waa in loo barto cilmi ahaan laguna camal falo waxa ku yaal, ee ma aha akhrintiisa iyo xifdigiisa oo keliya.
  3. Cilmig barashadiisa ayaa ka horaysa wax sheegida iyo camal falka.
dheeraad/kordhin