عَنْ أَبِي مُوسَى رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِنَّ اللهَ عَزَّ وَجَلَّ يَبْسُطُ يَدَهُ بِاللَّيْلِ لِيَتُوبَ مُسِيءُ النَّهَارِ، وَيَبْسُطُ يَدَهُ بِالنَّهَارِ لِيَتُوبَ مُسِيءُ اللَّيْلِ، حَتَّى تَطْلُعَ الشَّمْسُ مِنْ مَغْرِبِهَا».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2759]
المزيــد ...
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
"Ilaahay wuxuu fidiyaa GacantiisaHhabeenka si uu u tawbo keeno midka Maalinta dambaabay, Maalintana wuu fidiyaa Gacantiisa si uu u towbo keeno midka Habeenka dambaabay, ilaa Qoraxu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo."
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2759]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay ka tawbo aqbalaayo Adoomadiisa, Hadii adoonku Maalintii dambaabo oo Habeenkii u towbo keeno Ilaahay waa ka aqbalayaa, hadii Habeenkii uu dambaabo oo Maalintii towbo keeno Ilaahay wuu ka aqbalayaa towbadiisa, Ilaahay wuu fidiyaa Gacantiisa Isago ku faraxaaya towbada, oo aqblaaya towbada, albaabka towbaduna wuxuu ahaanayaa mid furan ilaa Qoraxdu ka soo baxdo meeshay u dhacdo taaso tusaysa in Aduunkii dhamadaay, hadii Qorax ka soo baxdo galbeedka albaabkii towbadu waa xirmay.