+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«حَقُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ خَمْسٌ: رَدُّ السَّلَامِ، وَعِيَادَةُ الْمَرِيضِ، وَاتِّبَاعُ الْجَنَائِزِ، وَإِجَابَةُ الدَّعْوَةِ، وَتَشْمِيتُ الْعَاطِسِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 1240]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqalay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahaya:
(muslimku xaga uu ku leeyahay muslimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo).

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 1240]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey wax ka mida xuquuqda muslimku ku leeyahay walaalkiisa muslimka ah. Kan koowaad: waa inaad cidii ku salaanta aad salaanta ka radido.
Xaqa labaad: waa booqashada qofka jiran iyo siyaaradiisa.
xaqa saddexaad: waa janaasada raacideeda laga bilaabo gurigiisa ilaa meesha lagula tukanaayo ilaa qabriga ilaa laga aaso.
Xaqa afraad: waa u yeerida oo la ajiibo haduu ugu yeero casuumad guur iyo qayrkoodba.
xaqa shanaad: waa in loo duceeyo markuu hindhiso oo uu yiraaho Alxamdu lilaah, oo lagu dhoho: yarxamuka Allaah, ka dib kan hindhisay wuxuu oronayaa: yahdiikumu Allaah wa yuslix baalakum.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Islaamka waynidiisa waxay ka muuqataa adkaynta xuquuqda u dhaxaysa muslimiinta iyo xoojinta walaaltinimada iyo is jacaylka u dhexeeya.