+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم كان يقول:
«الصَّلَوَاتُ الْخَمْسُ، وَالْجُمُعَةُ إِلَى الْجُمُعَةِ، وَرَمَضَانُ إِلَى رَمَضَانَ، مُكَفِّرَاتٌ مَا بَيْنَهُنَّ إِذَا اجْتَنَبَ الْكَبَائِرَ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 233]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay inuu oran jiray:
(Salaadaha shanta ah, iyo jimce ilaa jimcada kale, iyo ramadaan ilaa ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 233]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in salaadaha shanta ah ee la isku farad yeelay maalinta iyo habeenka, iyo salaada jumcaha ee usbuucii mar ah, iyo soonka oo bisha ramadaan oo sanadkii mar ah lagu dhaafo dambiyada yaryar waana shardi in laga fogaado dambiyada waa wayn. Dambiyada waawayn sida sinada iyo khamri cabida laguma dhaafo towbo maahee.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Dambiyada waxaa ka mida kuwo yaryar iyo kuwo waawayn.
  2. Dambiyada yaryar dhaafidooda waxaa u shardi ah in laga fogaado dambiyada waawayn.
  3. Danbiyada waawayni waa dambiyada ay ku soo aroortay xad aduunka ah ama loogu goodiyey in aakhiro la cadaabayo, ama ilaahay u caroonaya, ama ku soo aroortay hanjabaad ama la lacnadayo kan ficilka sameeyey sida sinada iyo khamri cabida.