+ -

عَنْ جَابِرٍ رضي الله عنه قَالَ:
أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ رَجُلٌ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، مَا الْمُوجِبَتَانِ؟ فَقَالَ: «مَنْ مَاتَ لَا يُشْرِكُ بِاللهِ شَيْئًا دَخَلَ الْجَنَّةَ، وَمَنْ مَاتَ يُشْرِكُ بِاللهِ شَيْئًا دَخَلَ النَّارَ»

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 93]
المزيــد ...

Jaabir Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nin ayaa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate, wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, waa maxay labada waajibay wuxuu ku yiri: qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn janaduu galin, qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya naartuu galin.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 93]

Sharraxaad

Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate nin ayaa weydiiyey labada sifo ee midi waajibinayso galida janada, midna waajibinayso galida naarta ? Nabigu nabad iyo naxariis Allah siiyee wuxuu ugu jawaabay: in sifada waajibinaysa galida janada ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay kaligi caabudaya oo aan u shariig yeelin. Sifada waajibinaysa galida naartana ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay u shariig yeelaya, oo u yeela Ilaahay wax la mida ama u dhigma xaga Ilaahnimadiisa, rabinimadiisa, magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan اليونانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية اللينجالا المقدونية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa fadliga tawxiidku leeyahay iyo in qofkii dhinta isagoo muumina oo aan Ilaahay cidna ugu shariig yeelin uu janada galayo.
  2. Waa khatarta shirkigu leeyahay, iyo in qofkii dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya uu naarta galayo.
  3. muwaxidiinta intooda caasiga ah waxay hoos joogaan mashii`ada Ilaahay , haduu doono wuu cadaabin haduu doonana wuu u dambi dhaafin, ka dibna waxay ku danbaynayaan janada.