+ -

عَنْ جَرِيرِِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ رضي الله عنه قَالَ:
بَايَعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَلَى شَهَادَةِ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَإِقَامِ الصَّلاَةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَالسَّمْعِ وَالطَّاعَةِ، وَالنُّصْحِ لِكُلِّ مُسْلِمٍ.

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 2157]
المزيــد ...

Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri:
Waxaan balan kula galay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inaan qiro Ilaahay maahee inaan Ilaah kale uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soodiray yahay, iyo salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, iyo in la is maqalo oo la is adeeco iyo in muslim walba loo nasexeeyo.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 2157]

Sharraxaad

Asaxaabiga Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu sheegay inuu Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- uu balan kula galay tawxiidka Ilaahay, gudashada salaadaha shanta ah ee faralka ah maalinta iyo habeenka, iyadoo uu u dhamaystirayo shuruudeeda, arkaanteeda, waajibaadkeeda, sunanteeda, bixinta sakada waajibka ah, waana cibaado maali ah oo waajib ah, taasoo laga qaado kuwa xoolaha leh oo la siinayo kuwa xaqa u leh ee fuqarada iyo kuwa lamidka ah, iyo inuu adeeco madaxda, oo muslim kasta u naseexeeyo, isagoo ku dadaalaya wax tarkiisa iyo inuu khayrka gaarsiiyo, oo sharka ka difaaco hadal ahaan iyo ficil ahaanba .

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda jeegga Malgaashi Oromo
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. xadiiska waxaa ku sugan muhimada ay leeyihiin salaada iyo sakadu, waxayna ka mid yihiin arkaanta Islaamka.
  2. muhimad wayn ayey leedahay waanada iyo inay isu naseexeeyaan muslimiintu, ilaa uu Rasuulku naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee kula mubaayacooday asxaabta.