+ -

عَنْ عُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«إِنَّ اللهَ عَزَّ وَجَلَّ يَنْهَاكُمْ أَنْ تَحْلِفُوا بِآبَائِكُمْ»، قَالَ عُمَرُ: فَوَاللهِ مَا حَلَفْتُ بِهَا مُنْذُ سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ نَهَى عَنْهَا ذَاكِرًا وَلَا آثِرًا.

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Cumar Binu Khaddaab- Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri:
"Ilaahay casa wajala wuxuu idinka reebay inaad ku dhaarataan aabayaashiin", Cumar baa yiri: wallaahi kuma dhaaran tan iyo markii aan reebida ka maqlay Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ha ahaato u la kac ama midaan qof kale ka soo wariyaye.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay- in Ilaahay reebay in lagu dhaarto aabayaasha, qofkii doonaya inuu dhaarto yaanu ku dhaaran cidan Ilaahay ahayn oo yaanu ku dhaaraan Ilaahay qayrki. Ka dib Cumar Binu Khadaab ayaa sheegay inuusan ku dhaaran aabihii ilaa markii uu reebida ka maqley Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, si u la kaca ama mid aan qof kale oo ilaahay qayrki ku dhaartay ka soo wariyaye.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. waa la xarimay in lagu dhaarto cidaan Ilaahay ahayn, wuxuuna si gaara u sheegay in aabayaasha lagu dhaarto, waayo waa dhaqankii jaahiliga.
  2. Dhaartu: waa in lagu dhaarto Ilaahay ama magacyadiisa iyo sifooyinkiisa iyadoo la adkaynaayo arin gaara.
  3. Fadliga Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali noqdee, siduu ugu degegay inuu fuliyo amarka iyo fahamkiisa fiican iyo xalaal miiradkiisa.