+ -

عَنْ عُثْمَانَ رضي الله عنه قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«مَا مِنَ امْرِئٍ مُسْلِمٍ تَحْضُرُهُ صَلَاةٌ مَكْتُوبَةٌ فَيُحْسِنُ وُضُوءَهَا وَخُشُوعَهَا وَرُكُوعَهَا، إِلَّا كَانَتْ كَفَّارَةً لِمَا قَبْلَهَا مِنَ الذُّنُوبِ، مَا لَمْ يُؤْتِ كَبِيرَةً، وَذَلِكَ الدَّهْرَ كُلَّهُ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 228]
المزيــد ...

Cusmaan Binu Cafaan -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-isagoo dhahaya:
"Majiro qof muslim ah oo salaad faral ahi u soo gashay, oo wanaajiya waysadeeda, khushuuceeda, rukuuceeda, haduuse jiro waxaa loogu dhaafaa wixii dambi ahaa ee salaadaas ka horeeyey, hadaanu dambi wayn la imaan, arinkaasi waa sanadka oo dhan."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 228]

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkii ha ahaatee- wuxuu cadeeyey in qof walba oo Muslim ah oo uu u soo galo waqtiga salaada wajibka ah oo hagaajiya waysadeeda oo dhamaystira, ka dib ku khushuuca salaadiisa isagoo qalbigiisa iyo xubnihiisa hor gaynaya Ilaahay iyo waynankiisa, isagoo dhamaystiraya camalka salaada sida rukuuca, sujuuda iyo qayrki, salaadaasi waxay noqonaysaa mid loogu danbi dhaafo wixii danbi yar ar ahaa ee salaadaas ka horeeyey, haduusan la imaan danbi wayn oo ka mida danbiyada kabaa`irta, fadligaasi wuxuu jiraa waqti walba iyo salaad walba.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda jeegga Malgaashi Oromo
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Salaada lagu dhaafo dambiyada waa mida uu adoonku wanaajiyo waysadeeda, khushuucna ku tukado isagoo Ilaahay darti ula jeeda.
  2. Fadli wayn baa ku jira joogtaynta cibaadada, waxayna sabab u tahay in lagu dhaafo danbiyada yaryar.
  3. Fadli wayn baa ku jira wanaajinta waysada iyo wanaajinta salaada oo khushuuc lagu tukado.
  4. Waxaa muhiim ah ka fogaanta dambiyada waawayn, si looga dhaafo adoonka dambiyada yar-yar.
  5. Dambiyada waawayn laguma dhaafo towba keen waxaan ahayn.