+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ:
«دَعُونِي مَا تَرَكْتُكُمْ، إِنَّمَا هَلَكَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمْ بِسُؤَالِهِمْ وَاخْتِلَافِهِمْ عَلَى أَنْبِيَائِهِمْ، فَإِذَا نَهَيْتُكُمْ عَنْ شَيْءٍ فَاجْتَنِبُوهُ، وَإِذَا أَمَرْتُكُمْ بِأَمْرٍ فَأْتُوا مِنْهُ مَا اسْتَطَعْتُمْ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 7288]
المزيــد ...

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- inuu yiri:
"Ha i weydiinina waxaan ka aamuso, waxaa halaagay kuwii idinka horeeyey su'aalahoodii iyo ambiyadoodii oo ay khilaafayeene, hadaan wax idinka reebo ka fogaada, hadaan wax idin farana la imaada inta aad ka awoodaan.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 7288]

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay axkaamta shareecadu inay saddex tahay: qayb laga aamusay, qayb la iska reebay iyo qayb la is faray.
Mida 1aad: waa qaybta sharcigu ka aamusay: wax xugun ah malaha, shay walbana asalkiisu waajib maaha. Waqtigii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxaa waajib ahayd in la iska daayo waydiinta waxaan dhicin iyadoo laga baqaayey inay soo dagto waajibinteedu ama xaaraanimadeedu, Ilaahay wuxuu uga tagay isago u naxariisanaya adoomada. Nabigu markuu dhintay ka dibse haday su'aashu tahay qaab fatwo ah ama barasho ku saabsan dadku waxay u baahan yihiin oo diinta ah way banaan tahay su'aashaasi, waliba waa la is faray, hadiise ay tahay qaab cinaad iyo iskalifid ah waa mida uu xadiisku reebey, waayo waxay keeni kartaa wixii ku dhacay reer benii Israa'iil (yuhuudda), markii la amray inay sac gawracaan, hadii ay sac uun gawracaan kuwo amarkii fuliyey ayey noqon lahaayeen, laakiin way isku adkeeyeen iyagana waa lagu adkeeyey.
midka 2aad: waa nawaahida: waana camalka laga ajarsiiyo qofkii iska daaya, laguna ciqaabo qofkii sameeya camalkaas, waxaana waajib ah in laga fogaado dhamaantood.
midka 3aad: waa awaamirta: waana camalka laga ajarsiinaayo qofkii sameeya, laguna ciqaabayo qofkii iska daaya, waxaana waajib ah in la sameeyo intii laga awoodo.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Ruwanda Luqadda roomaaniya Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa haboon in lagu mashquulo waxa muhiim ah ee loo baahan yahay, oo laga tago waxa aan loo baahnayn markaa la joogo, iyo inaan laga shaqayn su`aalida shayga aan dhicin.
  2. Waa xaaraan su'aasha keeni karta inay masalada adkayso iyo furto albaabka shubuhaat keeni kara khilaaf badan.
  3. Waxaa la isfaray in la iska daayo wixii la iska reebay oo dhan, waayo wax dhib ah kuma jirto ka tagidiisa, sidaa darteed baa loo guud yeelay reebidiisa.
  4. Waxaa la is amray in shayga la is faray lagala yimaado kolba inta laga awoodo, waayo waxaa dhici kara in samayntiisa dhib noqoto ama la awoodi waayo, sidaa darteed amarku wuxuu noqonayaa in lagala yimaado inta laga awoodo.
  5. Waxaa la reebay su'aalaha badan-ee wax faa'iido ahi ka dhalaneyn, waxay culumadu u qeybiyeen su'aasha labo qeybood: midda 1aad: waa su'aasha cilmiga iyo aqoonta lagu koror sanayo ee xagga diinta, waana la rabaa taasoo kale, waana su'aalihii asaxaabtu Suubbanaha ay weydiin jireen-naxariis iyo nabadi korkiiye-, midda 2aad: waa su'aasha uu qofku uga jeedo madax adeyg iyo wax adkeyn ama xujeyn, waana midda la reebay.
  6. Ummaddaan waxaa looga digayaa inay khilaafto Nabigeeda, sidii ku dhacday ummaddihii ka horeeyey.
  7. Su'aalaha badan ee aan loo baahnayn iyo ambiyada oo la khilaafo waa asbaabta lagu halaagsamo, siiba umuuraha aan la gaari karin sida masalooyinka qaybka ee Ilaahay mooyee cid kale aysan aqoon iyo wixii ku saaban xaalka maalinta qiyaame.
  8. Waa la reebay in la su'aalo masalooyinka adag, imaam Alawsaaci wuxuu yiri: hadii ilaahay rabo inuu adoonka ka xarimo barakada cilmiga carabiisa waxaa lagu tuuraa masalooyinka ad-adag, waxaan arkay kuwaaso dadka ugu cilmi yar, Ibnu Wahab wuxuu yiri: waxaan maqlay Imaam Maalik oo dhahaya: cilmiga oo lagu murmo nuurka cilmiga ayuu ka tiraa ninka qalbigiisa.