+ -

عن عثمان بن عفان رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ تَوَضَّأَ فَأَحْسَنَ الْوُضُوءَ خَرَجَتْ خَطَايَاهُ مِنْ جَسَدِهِ حَتَّى تَخْرُجَ مِنْ تَحْتِ أَظْفَارِهِ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 245]
المزيــد ...

Cusmaan Binu Cafaan-Allah ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri:
(Qofka waysaqaata ee hagaajiya waysada, dambiyadiisu jirkiisa oo dhan bay ka baxayaan ilaa ay ciddiyaha hoostoodana ka baxaan).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 245]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka wayso qaata isagoo ilaalinaaya sunadii iyo aadaabtii waysada arinkaasi wuxuu sabab u noqonayaa in loo dambi dhaafo, ilaa uu dambigu ka baxayo ciddiyaha gacmihiisa iyo kuwa lugahiisa.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Luqadda kinaadiga Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa lagu borinayaa in lagu dadaalo barashada waysaysiga, sunayaashiisa, aadaabtiisa iyo ku camal falkiisa.
  2. Waysaysigu aad buu u fadli badan yahay, dambiyada yar-yarna waa loogu dhaafaa qofka, dambiyada waawaynse waa in laga toobad keeno.
  3. Shuruuda dambigu ku baxayo waa in waysada la kaamil yeelo oo lala yimaado waysada iyadoo aan la khaldin sida Nabigu scw u sheegay.
  4. Dambi dhaafka xadiiskan lagu sheegay wuxuu ku xiran yahay in laga fogaado dambiyada waawayn oo laga towbakeeno, Ilaahay wuxuu yiri: (haddaad ka fogaataan dambiyada waawayn ee laydinka reebay waxaan idiin dhaafi dambiyadiina-yar-yar-) [Annisaa:31].