عن أبي هريرة رضي الله عنه أَن النبيَّ صَلّى اللهُ عَلَيْهِ وسَلَّم قَالَ:
«الرَّجُلُ عَلَى دِينِ خَلِيلِهِ، فَلْيَنْظُر أَحَدُكُم مَنْ يُخَالِل».

[حسن] - [رواه أبو داود والترمذي وأحمد] - [سنن أبي داود: 4833]
المزيــد ...

Abuu hurayra-Allaha karraalli ahaadee-waxuu nabiga kawariyey-naxariis iyo nabadi korkiiye-inuu dhahay:
((qofku waa kolba diinta(dhaqanka) saaxiibkii uu kusugan yahay uun,ee ha eego midkiin qofka uu lasaaxiibayo)).

[Xadiis Xasan ah] - [Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmed] - [Sunan Abii Daa'uud - 4833]

Sharraxaad

waxuu caddeeyey nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye- inuu qofku ka.shabbaho saaxiibkii xagga hab dhaqankiisa iyo caadooyinkiisa, oo waliba ay saamayso saaxiib nimadu akhlaaqda,hab dhaqanka, sidaa tarteed ayuu ku boorriyey ummaddiisa xulashada saaxiibka fiican,waayo waxuu tusaa saaxiibkii iimaanka iyo hanoonka, hiil xagga khayrka ahna wuu u.ahaadaa saaxiibkii.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa lafarayaa dadka inay kala saaxiibaan dadka intooda wanaagsan,waxaana laga nahiyayaa ina shar wadayaasha kuxidh maan ama la saaxiibaan.
  2. waxaa loo gaar yeelay saaxiibka oo loo sheegi waayey qaraabadiisa waayo saaxiibka adaa dooranaya lkn walaalka iyo qaraabada doorashadooda adigu kaalin kumalihide waa cidduu Alle kula dhaliyo.
  3. Yeelashada saaxiibka waa in aad looga fikiro.
  4. Qofku waxuu kuxoojiyaa diintiisa lasocodka mu.uminiinta wanaagsan, waxaana daciifiya ku xidhnaashaha faasidiinta.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (51)