عَنْ عَبْدِ اللهِ بنِ مَسْعُودٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«أَوَّلُ مَا يُقْضَى بَيْنَ النَّاسِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِي الدِّمَاءِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 1678]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Mascuud- Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Waxa ugu horeeya ee dadka loo kala xukumaayo Maalinta Qiyaamaha waa Dhiiga".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 1678]

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay waxa ugu horeeya ee loo kala xukumayo dadka is dulmayey Maalinta Qiyaamaha waa: Dhiiga, sida dilka iyo dhaawacyada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Dhiiga arinkiisu waa wayn yahay, bilaabidu waxay noqon shayga ugu muhimsan.
  2. Dambiyadu waxay u kala daran yihiin kolba fasahaadka ka dhalanaya sida uu yahay, Nafta aan waxba gaysan oo la dilaana waa dambiyada ugu waawayn, wax ka wayna ma jiraan Gaalnimada iyo in Ilaahay loo shariig yeelo mooyee.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (55)