+ -

يَا رَسُولَ اللَّهِ، نَرَى الجِهَادَ أَفْضَلَ العَمَلِ، أَفَلاَ نُجَاهِدُ؟ قَالَ: «لَا، لَكُنَّ أَفْضَلُ الجِهَادِ: حَجٌّ مَبْرُورٌ».
[صحيح] - [رواه البخاري]
المزيــد ...

Caa'isha, hooyadii mu'uminiinta -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri:
Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka mabruurka ah-xajka loo ilaaliyey wuxuu ku ansixilahaa."

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Albukhaari.

Sharaxaad

Asaxaabtu -Allaha ka raali ahaadee-waxay u arkayeen inuu jihaadka iyo gaalada oo lala dagaalamo uu ugu fadli badan yahay camalka. Sidaa darteed bay Caa'isha weydiisay Nabiga-xarariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- in dumarku jihaadaan?
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u tilmaamay jihaadka dumarka u fadli badan kaasoo ah xajka wanaagsan ee waafaqsan kitaabka iyo sunada Rasuulka, ee ka nabad galay dambi iyo istustus.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda sawaaxiliga Luqadda taylandiga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Jihaadku waa camalka ugu fadli badan raga.
  2. Xajku dumarka isagaa uga fadli badan Jihaadka waana camalka ugu fadli badan dumarka.
  3. Camaladu waxay u kala fadli badan yihiin kolba nuuca qofka qabanaya camalka.
  4. Xajka waxaa lagu magacaabay jihaad, waayo waa jihaadka nafta, iyo maalka oo la huro, iyo tamarta jirka oo lagu bixinaayo, waana cibaado jirka iyo maalba lagu bixiyo sida jihaadka Ilaahay darti oo kale.