+ -

قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لِامْرَأَةٍ مِنَ الْأَنْصَارِ سَمَّاهَا ابْنُ عَبَّاسٍ فَنَسِيتُ اسْمَهَا: «مَا مَنَعَكِ أَنْ تَحُجِّي مَعَنَا؟» قَالَتْ: لَمْ يَكُنْ لَنَا إِلَّا نَاضِحَانِ فَحَجَّ أَبُو وَلَدِهَا وَابْنُهَا عَلَى نَاضِحٍ وَتَرَكَ لَنَا نَاضِحًا نَنْضِحُ عَلَيْهِ، قَالَ: @«فَإِذَا جَاءَ رَمَضَانُ فَاعْتَمِرِي، فَإِنَّ عُمْرَةً فِيهِ تَعْدِلُ حَجَّةً».
[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri:
Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku yiri: haweenay reer ansaar ah oo Ibnu Cabaas magaceeda sheegay ee aan ilaaway magaceeda: (maxaa kuu diiday inaad nala xajido?) waxay tiri: waxaan lahayn labo awr oo keliya, mid waxaa ku xajiyey odaygeyga iyo wiilkeyga, wuxuuna nooga tagay mid aan ku dhaan sano, wuxuu yiri: (markuu ramadaanku soo galo cumrayso, cumrada ramadaanku xaj ayey u dhigantaaye).

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu ka soo laabtay xajatul-wadaac, ayuu ku yiri haweenay reer ansaar ah oo xajka aan tagin: maxaa kuu diiday inaad xajka noo raacdid?
Waxay ku cudur daaratay inay lahaayeen labo awr, oo mid odaygeeda iyo wiilkoogu ku xajiyeen (gaadiid ka dhigteen), midka soo harayna ay biyaha ceelka kaga dhaansadaan.
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u sheegay in gudashada cumrada bisha ramadaan dhexdeeda uu u dhigmo ajarkeedu ajarka xajka.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda sawaaxiliga Luqadda taylandiga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadliga cumrada ee bisha ramadaan
  2. Cumrada ramadaanka dhexdiisa waxay u dhigantaa ajar ahaan xaj, laakiin kuma dhacayo waajibka xajku.
  3. Ajarka camalku wuxuu ku siyaadaa sharafta uu waqtigu leeyahay, waxaana ka mid ah acmaasha bisha ramadaanka la qabto.