1. Bogga-hore
  2. Noocyada
  3. Fiqiga iyo usuushiisa

Xaddiis Markaad xaaraysaan ha u jeensanina qiblada, hana u daba jeedinina qiblada, laakiin bari iyo galbeed u jeesta

عَنْ أَبِي أَيُّوبَ الأَنْصَارِيِّ رضي الله عنه أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِذَا أَتَيْتُمُ الغَائِطَ فَلاَ تَسْتَقْبِلُوا القِبْلَةَ، وَلاَ تَسْتَدْبِرُوهَا وَلَكِنْ شَرِّقُوا أَوْ غَرِّبُوا» قَالَ أَبُو أَيُّوبَ: فَقَدِمْنَا الشَّأْمَ فَوَجَدْنَا مَرَاحِيضَ بُنِيَتْ قِبَلَ القِبْلَةِ فَنَنْحَرِفُ، وَنَسْتَغْفِرُ اللَّهَ تَعَالَى.

Abii Ayuub Alansaari -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri:
" Markaad xaaraysaan ha u jeensanina qiblada, hana u daba jeedinina qiblada, laakiin bari iyo galbeed u jeesta" wuxuu yiri Abuu Ayuub: waxaan tagnay shaam waxaan ka helnay musqulo loo jeediyey xaga qiblada waanan ka leexanaynay, Ilaahayna waan danbi dhaaf waydiisanayney

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 394

Sharraxa

Nabigu-naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka reebay qofkii xaaraya ama kaadinaaya inuu qiblada ama xaga kacbada u jeesto ama uu u daba jeediyo qiblada oo uu dhabarkiisa ka dhigo qiblada, laakiin qofku uu u jeesto xaga bari ama xaga galbeed hadii qibladiisu tahay sida qiblada reer madiina oo kale. Ka dib Abuu Ayuub-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu sheegay markii ay tageen Shaam inay ugu tageen musqulo loo diyaariyey in lagu xaajaysto oo loo jeediyey xaga Kacbada, waxayna jirkooda ka jeedin jireen qiblada, sidaas oo ay tahay ayey Ilaahay dambi dhaaf waydiisan jireen.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Xikmada ku jirta arinkaa waa wayneynta Kacbada sharafta leh iyo ixtiraamkeeda.
  2. Istiqfaartu waa marka laga boxo meesha lagu xaajo gudanaayo.
  3. Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-si fiican ayuu wax u barayey dadka, waayo markuu sheegay wixii la diiday ayuu dadka u sheegay waxa u banaan.

Bandhigga Tarjamooyinka

57 Luuqadda
EN English الإنجليزية
UR اردو الأوردية
ES Español الإسبانية
ID Indonesia الإندونيسية
UG ئۇيغۇرچە الأيغورية
BN বাংলা البنغالية
TR Türkçe التركية
RU Русский الروسية
BS Bosanski البوسنية
SI සිංහල السنهالية
HI हिन्दी الهندية
ZH 中文 الصينية
FA فارسی الفارسية
VI Tiếng Việt الفيتنامية
TL Tagalog تجالوج
KU Kurdî الكردية
HA Hausa الهوسا
PT Português البرتغالية
ML മലയാളം المليالم
TE తెలుగు التلغو
SW Kiswahili السواحيلية
TA தமிழ் التاميلية
MY မြန်မာ البورمية
TH ไทย التايلندية
DE Deutsch الألمانية
PS پښتو بشتو
AS অসমীয়া الأسامية
SQ Shqip الألبانية
SV Svenska السويدية
AM አማርኛ الأمهرية
NL Nederlands الهولندية
GU ગુજરાતી الغوجاراتية
KY Кыргызча القيرقيزية
NE नेपाली النيبالية
YO Yorùbá اليوروبا
LT Lietuvių الليتوانية
PRS دری الدرية
SR Српски الصربية
TG тоҷикӣ الطاجيكية
RW Kinyarwanda الكينياروندا
RO Română الرومانية
HU Magyar المجرية
CS Čeština التشيكية
MOS Moore الموري
MG Malagasy المالاجاشية
OM Oromoo الأورومو
KN ಕನ್ನಡ الكانادا
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan الأذربيجانية
UZ O‘zbek الأوزبكية
UK Українська الأوكرانية
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية