+ -

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المُؤْمِنِينَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا أَنَّهَا قَالَتْ:
يَا رَسُولَ اللَّهِ، نَرَى الجِهَادَ أَفْضَلَ العَمَلِ، أَفَلاَ نُجَاهِدُ؟ قَالَ: «لَا، لَكُنَّ أَفْضَلُ الجِهَادِ: حَجٌّ مَبْرُورٌ».

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 1520]
المزيــد ...

Caa'isha, hooyadii mu'uminiinta -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri:
Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan yahay camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka lagu baarinimo falay."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 1520]

Sharraxaad

Asaxaabtu -Allaha ka raali ahaadee-waxay u arkayeen inuu jihaadka iyo gaalada oo lala dagaalamo uu ugu fadli badan yahay camalka. Sidaa darteed bay Caa'isha u weydiisay Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- in dumarku jihaadaan?
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u tilmaamay jihaadka dumarka u fadli badan kaasoo ah xajka wanaagsan ee waafaqsan kitaabka iyo sunada Rasuulka, ee ka nabad galay dambi iyo istustus.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Jihaadku waa camalka ugu fadliga badan raga.
  2. Xajku dumarka isagaa uga fadli badan Jihaadka waana camalka ugu fadliga badan dumarka.
  3. Acmaashu way kala fadli badan tahay wayna u kala duwan tahay kolba qofka qabanaya camalka.
  4. Xajka waxaa lagu magacaabay jihaad, waayo waa jihaadka nafta, iyo maalka oo la huro, iyo tamarta jirka oo lagu bixinaayo, waana cibaado jirka iyo maalba lagu bixiyo sida jihaadka Ilaahay darti oo kale.