+ -

عَنْ ‌أُبَيِّ بْنِ كَعْبٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«يَا أَبَا الْمُنْذِرِ، أَتَدْرِي أَيُّ آيَةٍ مِنْ كِتَابِ اللهِ مَعَكَ أَعْظَمُ؟» قَالَ: قُلْتُ: اللهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ. قَالَ: «يَا أَبَا الْمُنْذِرِ، أَتَدْرِي أَيُّ آيَةٍ مِنْ كِتَابِ اللهِ مَعَكَ أَعْظَمُ؟» قَالَ: قُلْتُ: {اللهُ لا إِلَهَ إِلا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ} [البقرة: 255]. قَالَ: فَضَرَبَ فِي صَدْرِي، وَقَالَ: «وَاللهِ لِيَهْنِكَ الْعِلْمُ، أَبَا الْمُنْذِرِ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 810]
المزيــد ...

Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri:
(Abaa Mundiroow, ma og tahay aayda ugu wayn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. wuxuu yiri: (Abaa Mundiroow, ma og tahay aayada ugu wayn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 810]

Sharraxaad

Nabiga scw wuxuu waydiiyey Ubaya Binu Kacab aayada ugu wayn kitaabka Ilaahay, jawaabtii wuu ka laalaabtay ka dibna wuxuu yiri: waa aayatul-kursiga: {الله لا إله إلا هو الحيّ القيّوم }, Nabiguna wuu ku ayiday, wuxuuna Nabigu scw ku dhuftay laabtiisa isago u ishaaraya inay ka buuxdo cilmi iyo xikmad, wuxuuna ugu duceeyey inuu ku liibaano cilmigaan Ilaahayna u fududeeyo.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Malayaalim Telgoo Sawaaxili Boorma Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. waa sifo wayn oo fiican oo loo qiray Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali noqdee.
  2. Ayatul kursigu waa aayada ugu wayn kitaabka Ilaahay sareeye, waxaa haboon in la xifdiyo oo lagu tadaburo macnaheeda, laguna camal falo.