+ -

عَنْ كَعْبِ بْنِ عُجْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«مُعَقِّبَاتٌ لَا يَخِيبُ قَائِلُهُنَّ -أَوْ فَاعِلُهُنَّ- دُبُرَ كُلِّ صَلَاةٍ مَكْتُوبَةٍ، ثَلَاثٌ وَثَلَاثُونَ تَسْبِيحَةً، وَثَلَاثٌ وَثَلَاثُونَ تَحْمِيدَةً، وَأَرْبَعٌ وَثَلَاثُونَ تَكْبِيرَةً».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 596]
المزيــد ...

Kacab Binu Cujra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri:
"Kuwa mucaqibaatka ah ee aanu khasaarin qofka akhristaa - ama ku camal falaa- salaad walba oo waajib ah gadaasheeda, saddex iyo sodon tasbiix, saddex iyo sodon taxmiid iyo afar iyo sodon takbiir".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 596]

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay adkaar aanu khasaarayn oo uusan ka qoomamayn qofka akhrista, balse uu ka halayo kalimadkaa ajar, oo qaarba qaar ka daba imaanayo, waxaana la akhristaa salaadaha faralka ah gadaashooda, waana sidan:
''subxaana Allaah'' 33 jeer, macnaheeduna waa Ilaahay ayaa ka nasahan oo ka reeban nusqaan walba.
''Alxamdu lillaah'' 33 jeer, macnaheedu waa Ilaahay wuxuu ku tilmaaman yahay kaamilnimo taam ah, iyadoo ay la jirto jeclaantiisa iyo waynayntiisu.
''Allaahu akbar''34 jeer, macnaheedu waa Ilaahay baa ka wayn oo ka cisi iyo sharaf badan wax walba.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Luqadda yukreyn الجورجية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Tasbiixda iyo taxmiida iyo takbiirtu fadli ayey leeyihiin, waana la dhahaa Albaaqiyaat Alsaalixaat.