+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِذَا تَوَضَّأَ أَحَدُكُمْ فَلْيَجْعَلْ فِي أَنْفِهِ ثُمَّ لِيَنْثُرْ، وَمَنِ اسْتَجْمَرَ فَلْيُوتِرْ، وَإِذَا اسْتَيْقَظَ أَحَدُكُمْ مِنْ نَوْمِهِ فَلْيَغْسِلْ يَدَهُ قَبْلَ أَنْ يُدْخِلَهَا فِي وَضُوئِهِ، فَإِنَّ أَحَدَكُمْ لاَ يَدْرِي أَيْنَ بَاتَتْ يَدُهُ». ولفظ مسلم: «إِذَا اسْتَيْقَظَ أَحَدُكُمْ مِنْ نَوْمِهِ فَلَا يَغْمِسْ يَدَهُ فِي الْإِنَاءِ حَتَّى يَغْسِلَهَا ثَلَاثًا، فَإِنَّهُ لَا يَدْرِي أَيْنَ بَاتَتْ يَدُهُ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 162]
المزيــد ...

Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Rasuulka ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri:
"Markuu wayso qaadanayo midkiin biyaha sankiisa haku qaado oo hadana ha soo firdhiyo, qofka dhagax ku istinjoodana witir ha ka dhigo, markuu midkiin hurdada ka tooso ha dhaqo gacmihiisa intaanu biyaha waysada gelin, waayo ma oga midkiin halka ay gacantiisu bariday", imaam Muslim ayaa isna sidan u wariyey: "markuu midkiin tooso yaanu gelin gacantiisa weelka ilaa uu saddex jeer uu dhaqo, waayo ma oga halkay gacantiisu bariday."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 162]

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey qaar ka mida axkaanta dahaarada, waxaana ka mida: Midka 1aad: qofki waysaysanaya waa inuu inuu biyaha sanka ku jiido, hadana neefta soo raaciyo oo soo firdhiyo. Midka 2aad: qofkii doonaya inuu isaga nadiifiyo najaasada ka soo baxaysa isaga waxaan biyo ahayn sida dhagxaanta iyo wixii la mida, wuxuu isku nadiifinayaa tirsi kinsi ah oo ugu yaraan ah sadex ugu badnaan wixii tirtiraya najaasada meeshana nadiifinaya. Midka 3aad: qofka ka toosa hurdada habeenka gacantiisa galinmaayo weelka markuu wayso qaadanayo ilaa uu gacantiisa ku dhaqdo weelka dibadiisa, waayo ma oga halkay gacantiisu bariday, kama aamin aha in gacantiisu najaaso taabatay, waxaana dhici kara inuu shaydaan ku ciyaaray, oo uu saaray waxyaabo dadka dhibaya ama biyaha xumaynaya.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa waajib san daarsigu marka la wayso qaadanayo, waana biyaha oo inta neefta sanka lagu jiido hadana neefta la soo raaciyo oo la soo firdhiyo.
  2. Waa sune in Dhagaxa lagu istijoodo tira kinsi ah oo is dheer.
  3. in la dhaqo gacmaha sadex jeer marka hurdada habeennimo laga soo tooso waa amar sharci ah.