+ -

عن عائشة رضي الله عنها قالت:
كَانَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَذْكُرُ اللهَ عَلَى كُلِّ أَحْيَانِهِ.

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 373]
المزيــد ...

Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid Ilaahay xusa xaalad walba oo uu ku jiro.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 373]

Sharraxaad

Caa'isha waxay sheegtay Allaha ka raali ahaad inuu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ahaa mid aad ugu dadaala xuska Ilaahay, oo xusa Ilaahay goor kasta, meel kasta, xaalad walba.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Looma shardiyo xuska Ilaahay inuu Qofku ka dahaaro qabo Xadaska yar iyo Xadaska weyn midna.
  2. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu joogtayn jiray xuska Ilaahay.
  3. Waxaa lagu boorinayaa dadka inay badsadaan xuska Ilaahay xaalad kasta, taasoo looga dayanaayo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, marka laga reebo xaaladaha aan la ogolayn xuska Ilaahay, sida waqtiga xaajo gudashada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.
dheeraad/kordhin