عن عائشة رضي الله عنها قالت:
كَانَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَذْكُرُ اللهَ عَلَى كُلِّ أَحْيَانِهِ.

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 373]
المزيــد ...

Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid Ilaahay xusa xaalad walba oo uu ku jiro.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 373]

Sharraxaad

Caa'isha waxay sheegtay Allaha ka raali ahaad inuu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ahaa mid aad ugu dadaala xuska Ilaahay, oo xusa Ilaahay goor kasta, meel kasta, xaalad walba.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Looma shardiyo xuska Ilaahay inuu Qofku ka dahaaro qabo Xadaska yar iyo Xadaska weyn midna.
  2. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu joogtayn jiray xuska Ilaahay.
  3. Waxaa lagu boorinayaa dadka inay badsadaan xuska Ilaahay xaalad kasta, taasoo looga dayanaayo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, marka laga reebo xaaladaha aan la ogolayn xuska Ilaahay, sida waqtiga xaajo gudashada.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (62)
dheeraad/kordhin