عَنْ أَبٍي سَعِيدٍ الخُدْرِيَّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ:
أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ جَلَسَ ذَاتَ يَوْمٍ عَلَى المِنْبَرِ وَجَلَسْنَا حَوْلَهُ، فَقَالَ: «إِنِّي مِمَّا أَخَافُ عَلَيْكُمْ مِنْ بَعْدِي، مَا يُفْتَحُ عَلَيْكُمْ مِنْ زَهْرَةِ الدُّنْيَا وَزِينَتِهَا» فَقَالَ رَجُلٌ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، أَوَيَأْتِي الخَيْرُ بِالشَّرِّ؟ فَسَكَتَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقِيلَ لَهُ: مَا شَأْنُكَ؟ تُكَلِّمُ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَلاَ يُكَلِّمُكَ؟ فَرَأَيْنَا أَنَّهُ يُنْزَلُ عَلَيْهِ؟ قَالَ: فَمَسَحَ عَنْهُ الرُّحَضَاءَ، فَقَالَ: «أَيْنَ السَّائِلُ؟» وَكَأَنَّهُ حَمِدَهُ، فَقَالَ: «إِنَّهُ لاَ يَأْتِي الخَيْرُ بِالشَّرِّ، وَإِنَّ مِمَّا يُنْبِتُ الرَّبِيعُ يَقْتُلُ أَوْ يُلِمُّ، إِلَّا آكِلَةَ الخَضْرَاءِ، أَكَلَتْ حَتَّى إِذَا امْتَدَّتْ خَاصِرَتَاهَا اسْتَقْبَلَتْ عَيْنَ الشَّمْسِ، فَثَلَطَتْ وَبَالَتْ، وَرَتَعَتْ، وَإِنَّ هَذَا المَالَ خَضِرَةٌ حُلْوَةٌ، فَنِعْمَ صَاحِبُ المُسْلِمِ مَا أَعْطَى مِنْهُ المِسْكِينَ وَاليَتِيمَ وَابْنَ السَّبِيلِ - أَوْ كَمَا قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ - وَإِنَّهُ مَنْ يَأْخُذُهُ بِغَيْرِ حَقِّهِ، كَالَّذِي يَأْكُلُ وَلاَ يَشْبَعُ، وَيَكُونُ شَهِيدًا عَلَيْهِ يَوْمَ القِيَامَةِ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 1465]
المزيــد ...
Abii Saciid al khudri-Allaha karraali ahaadee-waxaa laga wariyey:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee maalin ayuu ku fariistay mimbarka anaguna dhinacyada ayaan ka fariisanay, markaasuu yiri: " anigu gadaashey waxaan idiinka baqayaa waxa la idiin furidoono ee aduunyada dhalaalkeeda iyo quruxdeeda ah" nin ayaa yiri: Rasuulkii Ilaahayow khayrku ma shar buu keenaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu aamusay, ninkii waxaa lagu yiri: waa maxay xaalkaagu? Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaad la hadlaysaa isaguna kula hadli maayee? markaasaanu aragnay in waxyi ku soo dagayo, wuxuu yiri: dhabanka ayuu ka masaxay dhididkii, wuxuuna yiri: "aaway kii su`aalayey?" waxaad moodaa inuu mahadiyey, wuxuuna yiri: " khayrku shar ma keeno, guga naqa soo baxa wuu dilaa tii naqa cunta markay ka dheregto ee kalidu soo taaganto oo ay qoraxda isu dhigto oo ay saalooto kaadidana oo ay daaqdo, malkaani
waa cagaar macaan, waxaa nicmo ah muslimku wuxuu siiyo miskiinka, agoonka iyo musaafirka - ama si u eg sidii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri - qofkii xaqdaro ku qaatana, wuxuu la mid yahay sidii mid cunaya oo aan dhargayn maalinta qiyaamena markhaati ayuu ku noqonayaa.
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 1465]
Nabigu maalin ayuu ku fariistay mimbarka isagoo asxaabtiisa la hadlaya wuxuuna yiri:
Shayga ugu badan ee aan idiinka baqayo gadaashey waa waxa la idiin furidoono ee dhulka barakadiisa, dhalaalka iyo quruxda aduunyada, iyo waxa dhexyaal aduunyada ee ah raaxada, noocyada dharka, beeraha iyo qayrkood kuwaas oo ka mida waxyaabaha dadku ku faano wanaagooda iyadoo ay yar tahay intay joogayaan.
Nin ayaa yiri: Quruxda aduunyadu waa nicmo Ilaahay keenaye, nicmadaasi miyey dhib dhib noqonaysaa?!.
Dadkii ayaa eedeeyey ninkii su`aasha waydiiyey waayo waxay arkeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo aamusay, waxayna u maleeyeen inuu ka xanaajiyey.
Waxaa u cadaatay in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxyi ku soo dagayey ka dibna dhabankiisa ayuu dhididka ka masaxay wuxuuna yiri: aaway kii waydiinayey?
Wuxuu yiri: waa aniga.
Ilaahay ayuu mahadiyey oo amaanay, ka dibna wuxuu yiri: khayrka runta ah khayr maahee wax kale ma keeno, laakiin quruxdaan aduunyadu maaha khayr soocan waayo waxay keenaysaa tifno iyo tartan looga mashquulo in si fiican loogu jeesto aakhiro, ka dibna taas wuxuu u keenay tusaale wuxuuna yiri: gugu dhirta uu soo saaro iyo cagaarkiisa, oo ah dhirta ay jecel yihiin xooluhu wuu dilaa xoolaha markay aad u cunaan oo iska badiyaan ama way ku dhawaadaan inuu dilo, xoolaha cagaarka cuna maahee waayo taasi way cuntaa ilaa ay caloosheeda ay qayb buuxiso, oo markaa ay quraxda isu dhigto oo ay dhigto saalo jilicsan ama ay kaadido, ka dibna ay soo ceshato waxa caloosheeda ku jira oo ay raamsato oo liqdo, ka dibna ay ku noqoto oo soo daaqdo.
Xoolahaani waxay la mid yihiin naqa cagaaran ee quruxsan, wuu dilayaa ama badnaantiisu wuu sigayaa inuu dilo, in lagu gaabsado in yar oo baahidu keenayso oo ku filan maahee iyadoo loo marayo dariiq xalaal ah taasi dhib maleh, waxaa nicmo ah muslimka siinaya miskiinka, agoonka iyo musaafirka, xoolaha qofkii ku qaata si xaq ah Ilaahay waa u barakaynayaa, qofkii ku qaata si xaqdaro ahna wuxuu la mid yahay mid cunaaya oo aan dhargeyn, maalinta qiyaamena markhaati ayey ku noqonayaan.