+ -

عَنْ عَمَّارِ بنِ ياسِرٍ رضي الله عنه قال:
بَعَثَنِي رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي حَاجَةٍ، فَأَجْنَبْتُ فَلَمْ أَجِدِ الْمَاءَ، فَتَمَرَّغْتُ فِي الصَّعِيدِ كَمَا تَمَرَّغُ الدَّابَّةُ ثُمَّ أَتَيْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَذَكَرْتُ ذَلِكَ لَهُ فَقَالَ: «إِنَّمَا كَانَ يَكْفِيكَ أَنْ تَقُولَ بِيَدَيْكَ هَكَذَا» ثُمَّ ضَرَبَ بِيَدَيْهِ الْأَرْضَ ضَرْبَةً وَاحِدَةً، ثُمَّ مَسَحَ الشِّمَالَ عَلَى الْيَمِينِ، وَظَاهِرَ كَفَّيْهِ وَوَجْهَهُ.

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Camaar Binu Yaasir -Allaha karaali ahaadee-wuxuu yiri:
Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, ayaa hawl ii diray markaasaan isku junubay biyana waan waayey, waxaan ku gal-gashay ciida sida neefku ugu galgasho, ka dibna waxaan u imid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, xaalkaygaana u sheegay, wuxuuna yiri: " waxaa kugu filnaa inaad gacmahaaga sidan dhahdid ", wuxuuna hal mar ku dhiftay gacmihiisa dhulka, gacantiisa bidix ayuu ku masaxay tiisa midig, iyo labadiisa calaacalood oo dusha ah iyo wajigiisa.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-Camaar Binu Yaasir ayuu u diray inuu u safro hawlo Nabiga scw u gaara, waxaa ku yimid Janaabo oo jimaac ku timid ama biyaha shahwada oo ka yimid, biyo uu ku qubaystana ma helin, Ma uusan aqoon xugunka in Janaabada laga booraysto, wuxuuse yaqaanay xugunka in laga booraysto Xadaska yar, wuu ijtihaaday waxayna la noqotay sida xubnaha waysada loogu masaxo ciida marka xadaxka yar uu jiro, in jinaabadana ciida la wada gaarsiinayo jirka, isagoo uga qiyaas qaadanaya biyaha, sidaa darteed wuxuu ku gal-gashay carada oo wada gaarsiiyey jirka, wuuna tukaday, Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, markuu yimid ayuu u sheegay arinkaa, si uu u ogaado inuu saxan yahay iyo in kale? Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu u cadeeyey qaabka looga dahaara qaato labada xadas kan yar sida kaadida, iyo midka wayn sida janaabada: waana inuu hal mar ku dhifto gacmihiisa dhulka, oo ku masaxaa gacantiisa bidix tiisa midig, iyo labadiisa calaa-calood korkooda iyo wajiga.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. waa waajib in biyo la raadiyo intaan la booraysan.
  2. waa mashuur inuu booraysto qofka janaabada qaba ee biyaha waayey.
  3. Booraysiga xadaska wayn wuxuu la mid yahay booraysiga xadaska yar.
dheeraad/kordhin