+ -

عَنِ الْبَرَاءِ رَضيَ اللهُ عنه قَالَ:
مَا رَأَيْتُ مِنْ ذِي لِمَّةٍ أَحْسَنَ فِي حُلَّةٍ حَمْرَاءَ مِنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، شَعْرُهُ يَضْرِبُ مَنْكِبَيْهِ، بَعِيدَ مَا بَيْنَ الْمَنْكِبَيْنِ، لَيْسَ بِالطَّوِيلِ وَلَا بِالْقَصِيرِ.

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 2337]
المزيــد ...

Albaraa` Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Ma arag Qof ka taabasho wanaagsan maro diilimo aguudan leh ayuu qaadan jirey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Timihiisu waxay gaarayeen garbihiisa, garbihiisu waa kala fogaayeen, mid dheerna ma ahayn mid gaabana ma ahayn.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 2337]

Sharraxaad

Baraa Binu Caasib Ilaahay ha ka raali ahaadee wuxuu sheegay inuusan arag Qof Timaha Madaxiisu dheer yihiin oo gaarayaan garbahiisa, ee ku labisan hoos gunti iyo go`madow oo diilimo gaduudan leh ee ka wanaagsan Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, sifooyinka Ilaahay ku abuuray waxaa ka mida in garbihiisu kala fogaayeen, wuuna Xabad balaarnaa, joogiisuna dhex dhexaad ayuu ahaa wuxuuna u dhexeeyey mid dheer iyo mid gaaban.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. wuxuu cadeeyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee sifooyinkiisii fiicnaa ee muuqaalka ahaa qaar ka mida sida Timo fiican, Xabad balaaran, Joog fiican iyo qayrkood.
  2. Xadiiska waxaa ku cad Saxaabada Ilaahay ha ka raali ahaadee siday u jeclaayeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ilaa ay uga sheekeeyaan oo u soo guuriyaan dadkii ka danbeeyey wanaagii Nabiga iyo Sifooyinkiisii Jirka ahaa iyo kuwii macnawiga ahaaba.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Sawaaxili Taylaand Asaami Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda dariya Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga الجورجية المقدونية الخميرية الماراثية
Bandhigga tarjumada.