+ -

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رضي الله عنه قَالَ:
كُنَّا نُخْرِجُ إِذْ كَانَ فِينَا رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ زَكَاةَ الْفِطْرِ، عَنْ كُلِّ صَغِيرٍ وَكَبِيرٍ، حُرٍّ أَوْ مَمْلُوكٍ، صَاعًا مِنْ طَعَامٍ، أَوْ صَاعًا مِنْ أَقِطٍ، أَوْ صَاعًا مِنْ شَعِيرٍ، أَوْ صَاعًا مِنْ تَمْرٍ، أَوْ صَاعًا مِنْ زَبِيبٍ، فَلَمْ نَزَلْ نُخْرِجُهُ حَتَّى قَدِمَ عَلَيْنَا مُعَاوِيَةُ بْنُ أَبِي سُفْيَانَ رضي الله عنه حَاجًّا، أَوْ مُعْتَمِرًا فَكَلَّمَ النَّاسَ عَلَى الْمِنْبَرِ، فَكَانَ فِيمَا كَلَّمَ بِهِ النَّاسَ أَنْ قَالَ: إِنِّي أَرَى أَنَّ مُدَّيْنِ مِنْ سَمْرَاءِ الشَّامِ، تَعْدِلُ صَاعًا مِنْ تَمْرٍ، فَأَخَذَ النَّاسُ بِذَلِكَ، قَالَ أَبُو سَعِيدٍ: فَأَمَّا أَنَا فَلَا أَزَالُ أُخْرِجُهُ كَمَا كُنْتُ أُخْرِجُهُ، أَبَدًا مَا عِشْتُ.

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 985]
المزيــد ...

Abii Saciid al khudri-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waqtigii uu nala joogay waxaan bixin jirnay Sakaatul Fidriga, waxaan ka bixin jirnay qof walba mid yar, mid weyn, mid Xora iyo Adoonaba suus Cunto ah, ama suus caano la qalajiyey ah, ama suus qamadiya, ama suus timira, ama suus sabiiba, sidaas ayaanu u bixin jirnay ilaa uu noo yimid Mucaawiye Binu Abii Sufyaan Ilaahay raali ha ka noqdee isagoo xaaji ah, ama Cumraysanaya markaasuu dadka Mimbarka kala hadlay, wixii uu dadka kala hadlay waxaa ka mid ahaa inuu yiri: waxaan arkaa in labo Mud oo qamadiga Shaam ah ay u dhigmaan suus timira, dadkii taasay qaateen, Abu Saciid wuxuu yiri: laakiin anigu ka tegimaayo inaan ku bixiyo sidii aan ku bixin jirey waligay intaan noolahay.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 985]

Sharraxaad

Sakaatul Fidriga ayey bixin jireen Muslimiintu waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo waqtigii Khulafadii Raashidiinta ahaa ee Nabiga ka danbeeyey waxayna ka bixin jireen qof yar iyo qof weynba qadar saac Cunto ah. Muslimiinta Cuntadoodu waxay ahayd Qamadi iyo (sabiib): Canab qalalan, iyo (Al aqid): Caano la qalajiyey iyo Timir. Qadarka Saacu waa afar Mud, Mudkuna wuxuu u dhigmaa nin gacmihiisu dhexdhexaad yihiin labadiisa sacab. Mucaawiye Ilaahay raali ha ka noqdee markuu yimid Madiina isagoo Khaliif ah, oo uu batay Qamadigii Shaam, dadka ayuu u khudbeeyey wuxuuna yiri: waxaan arkaa in laba Mud ee Qamadiga Shaam ah (Saac barkii), ay u dhigmaan hal saac oo timira, dadkiina taasay qaateen. Abuu Saciid Alkhudri Ilaahay raali ha ka noqdee wuxuu yiri: anigu ka tegimaayo inaan u bixiyo sidii aan u bixin jirey waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waligay intaan noolahay.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa cadayn qadarka ay ahayd Sadaqada Fidrigu waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, iyadoo ahayd saac Cunto ah haba is khilaafo nooca iyo qiimihiisuye.
  2. Cuntada dadku cuno dhamaan way ku baxaysaa Fidradu, afarta nooc waxaa loogu gaar yeelay xusidda, waxay ahaayeen cuntada dadku cuno waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
  3. In la bixiyo waxaan cunto ahayn sida beesada iyo lacagta kuma ansaxayso Fidrada.
  4. Alnawawi wuxuu ku yiri sharraxa Muslim: haddii Saxaabadu is khilaafaan hadalka qaarkood kama fiicna kuwa kale hadalkooda, waxaan u noqonaynaa daliil kale, oo aan ka helayno daahirka Axaadiista iyo Qiyaaska la isku raacsan yahay in loo shardiyo saaca qamadiga ah inuu la mid yahay qayrkii, waajibna ay tahay in isaga la qaato.
  5. Ibnu Xajar wuxuu yiri: Xadiiska Abii saciid waxaa ku jira in Abii Saciid aad u raaci jirey raadkii Nabiga, iyo inuu ka tegey ijtihaadka haddii nas la hayo, sida Mucaawiye sameeyey iyo in dadku ku raaceen waxay daliil u tahay in ijtihaadku bannaan yahay, waana fiican yahay, laakiin haddii nas la hayo waa ijtihaad faasida lamana raacayo.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda nebool Luqadda dariya Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية الخميرية الماراثية
Bandhigga tarjumada.
dheeraad/kordhin